Madaxweynaha dowladda Puntland C/wali Gaas ayaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland waxa uu kaga dhawaaqay in uu yahay musharax Madaxweyne 2019 , maanta oo talaado ah .
Munaasibadii uu maanta kaga dhawaaqay musharax nimadiisa madaxweyne Gaas ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada ,Isimada Dhaqanka ee Puntland , Siyaasiyiin Aqoonyahano , Dhalinyaro Culimaa,udiin xubno katirsan labada gole ee dowladda Puntland .
waxa uu sheegay in uu diirada saari doono shanta sano ee soo socota arimo ay kamid yihiin :
1- Dhamaystirka dhamaan howlihii uu balan qaaday .
2-Dib uhabaynta ciidamada Puntland .
3-Dib u so celinta gobolada ka maqan gacanta Puntland siiba gobolka Sool .
4- Dib uhabaynta dowladd nimada.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in shantii sano ee uu soo hogaaminayay Puntland uu ka qaatay qibrad ku filan wax yaabaha Puntland ka qaldana uu sixidoon hadii uu guulaysto .
Dhegayso.
Sawiro.
« Xulashada Daljir & Khadar Cawl, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
United States Mission to Somalia: Overview of U.S. Support to Somalia »