Madaxweyne Gaas oo xarig-jaray Isbitaalka Carafaat Garoowe (sawirro)

Madaxweyne Gaas oo xarig-jaray Isbitaalka Carafaat Garoowe (sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta oo taariikhdu tahay 06-july 2018 xadhiga ka jaray Hospital casri ah oo laga hirgaliyey magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey xadhig jarka Hospitalka Wasiirka caafimaadka Puntland, qaar kamida goloyaasha Dowladda Puntland, Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, dhakhaatiir, isimo iyo bulshada qaybeheeda kala duwan.

  

Hospitalkan casriga ah ayaa waxaa lagu magacaabaa Carafaad Hospital waana Hospital si casriya loo dhisay lehna adeegyo baahi wayn ay u qabeen shacbka Puntland, wuxuuna ka koobanyahy qaybaha qaliinka, shaybaarka, hooyada iyo dhalaanka iyo qayba badan oo bulshada baahideeda daboolaya.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas 00 khudbad muhiima ka jeediyey xafladii xadhig jarka ayaa yiri, “aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka soo qayb galo xafladdaan isbitaalka cusub oo waxbadan oo dhanka caafimaadka ah kusoo kordhinaya magaalada, marka hore waxaan amaan iyo bogaadin u jeedinayaa wasaaradda caafimaadka Puntland oo runtii sanadahaan dambe shaqo fiican qabatay, dhanka gaarsiinta adeega caafimaadka dhulka Puntland intiisa badan, meel walba oo dhulka Puntland ka mid ah, waxaa ka jirta baahi caafimaad oo in la daboolo u baahan. Caqabadaha caafimaad ee jira waxaa ka mid ah adeeg caafimaad oo weyn ayaan jirin oo isbitaaladu aysan dhaqaale ku bixin, beesha caalamku waxay dhaqaalihii geliyeen adeegyada hoose ee caafimaadka iyo ( MCH’yada ) marka in anagu dowlad iyo shacab aanu dedaalno oo wixii naga dhiman aan qabsano ayaa la doonayaa,

dhowaan waxaa halkaan laga dhisi doonaa isbitaalka ugu weyn ee Puntland oo yeelan doona qeybihii kala duwanaa ee isbitaal looga baahan yahay, kuwaas oo takhasus leh, waxaana naga taageertay dowladda Jarmadka, wax badan oo dibadda loo aadi jiray ayaa looga maarmi doonaa, waxaa la hirgalin doonaa isbitaalo badan oo dadka anfaca inshaa Allah, Waxaan rabaa in aan bogaadiyo dhalinyarada oo ah jiilka cusub ee shaqada wanaagsan haya, intooda badana dalka wax ku bartay dedaala oo dhaqaalihiina isku geeya isbitaalo waaweyna dhisa,

Ugu dambayntii Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dadka reer Puntland ugu baaqay in dalka lagu soo kordhiyo adeegyo cusub oo bulsada anfac u leh lana darso baahiyaha lagama maarmaanka u ah dadka oo dibadda loo aado.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI- GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

  

  

  

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com