Madaxweyne Gaas oo Qardho lagu Soo Dhaweeyay

Khamiis, Feberaayo 04 2016 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafti Ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa saaka 04-Feb-2016 kasoo amba-baxay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari isagoo kusoo jeedaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.
 
Madaxweynaha ayaa intaanu gaarin magaalada Garoowe waxaa uu ku hakaday magaaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar, halkaas oo ay ku soo dhoweeyey Wasiiro, Xildhibaano, maamulka heer Gobol iyo Heer Degmo iyo dadweyne kale oo tiro badan.
 
Madaxweynaha ayaa intaasi kadib waxaa uu kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Qardho Cuqaasha, Nabadoonada, iyo Maamulka Gobolka iyo kan Degmada.
 
waxaana uu Madaxweynuhu ka xog-waraystay masuuiyiintaasi uu lakulmay xaaladda guud ee Nabad-gelyada Gobolka iyo Maashaariicda horumarineed ee Dawladdu ka wado Magaalada Qardho, waxaana ay u sheegeen Nabad-gelyada Gobolku in ay tahay mid sugan, mashaariicdii horumarineedna ay si dar-darle u soconayaan.
 
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Waftigiisa ayaa waxay kulan qado sharaf  ah waxaa ay kula qaadan doonaan Cuqaasha iyo wax-garadka Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Qardho, kadibna waxaa ay uga sii gudbi doonaan magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com