Madaxweyne Gaas oo qaabilay wafti kasocdey Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 26 September 2016 qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey ku-xigeenka wakiika xog-hayaha guud ee Qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee dhinaca Aadanaha Peter De Clercq.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha la xiriira maxaabiistii Alshabaab ee  lagu soo qabtay dagaalkii bishii Maarso ku dhex maray ciidamada Puntland iyo kooxda Al-shabaa deegnaada Suuj iyo Garacad ee gobollada Nugaal iyo Mudug, kuwaas oo ay ku jireen  maxaabiis ay da’doodu ka yartahay 15-sanno isla markaanu aanu xukunku qaban karin sida uu qabo dastuurka Puntland, maxaabiistaas oo dhaqan celin ahaan loogu hayo xabsiga weyn caasimadda dawladda Puntland ee Garoowe.

Peter De Clercq iyo wafdigiisa ayaa Madaxweynaha ka xog-waraystay xaaladda guud ee maxaabiistaasi carruurta ah ee  lagu soo qabtay dagaalka iyo qaababka ay dawladda Puntland u maarayso baahiyohooda kala duwan maadaama ay yihiin maxaabiis aanu xukunku qaban karin da’dooduna ka hoosayso 15-sanno.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa Peter De Clercq iyo wafdigiisaba u sheegay in ay dawladdu iyadoo gudaneysa waajibaadkeeda ay carruurtaasi u samaysay dhaqan celin iyo daryeel dhinac  ah  maadaama oo ay carruurtaani yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed isla markaana iyaga oo aan qaan-gaarin ay soo majara habaabiyeen sharwadayaasha Al-shabaab.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu u caddeeyey wafdigaan ka socdey Qaramada midoobey in carruurtaani aanay xabsiga ugu jirin maxaabiis ahaan balse ay ugu jiraan dhaqan celin isla markaana ay helaan dhammaan baahiyohooda aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka iyo goobaha ay ku ciyaaraan intaba, ayna u nool yihiin sida ay carruuraha dhiggooda ahi ay ugu nool yihiin dunida daafeheeda iyagoo xor ah.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu u sheegay wafdigaan ka socdey Qaramada Midoobey in doorkii Qaramada midoobey uu meesha ka maqan yahay isla markaana looga baahan yahay in ay kaalintooda buuxiyaan oo ay dawladda Puntland gacan ka siiyaan dedaalka ay ugu jirto sidii ay carruurtaasi u heli lahaayeen mustaqbal iyo nolol wanaagsan.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com