Madaxweyne Gaas oo Qaabilay Wafti Ka Socda Qaramada Midoobey

HomeWararka

Madaxweyne Gaas oo Qaabilay Wafti Ka Socda Qaramada Midoobey

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 19 July 2017 Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Madaxa hay’adda INSO

Madaxweynaha Somaliland oo si adag uga hadlay Colaada Cagaare
Kenya: “Waxaan joojineynaa dhammaan duulimaadyada Nairobi iyo Muqdisho”
PUNTLAND: 17.735 Aarday ayaa ufariistay maanta Imtixaanka Dugsiyada Sare iyo hoose (Warbixin)

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 19 July 2017 Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Madaxa hay’adda INSO (international NGO safety Organization) Mr. Marcos Ferreiro ee wadamada Soomaaliya, Kenya, Nigeria, iyo Cameroon iyo Madaxa hay’adda UNSOM xafiiskeeda Dawladda Puntland Howard Bell.

Kulankan ay yeesheen Madaxweynaha iyo labadani masuul ayaa lagaga wadda hadlayey arrimo la xidhiidha gorfaynta warbixino si khalada ay u gudbiyeen hay’addo ka shaqeeya gudaha degaanada dawladda Puntland, kuwaasi oo caadeystey inay xaalad beenabuura ka sheegan amniga iyo xasiloonida ka jirta Puntland.

Arrinkani ayaa imanaya kadib markii shirkii Golaha Wasiiradda Dawladda Puntlaand  06 July 2017 kasoo sareen go’aan ah in aanay hay’adahaasi ka sii shaqayn gudaha Puntland, waxaana ay golaha xukuumada dawladda Puntland isla shirkaasi farriin adag ugu direen hay’adaha ka hawlgala gudaha Puntland in aanay aaminin wararka beenabuurka ah ee ay u soo gudbinayaan hay’addaha warxumatashiilka caadeystey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caddeeyey in aanay marnaba dawladda Puntland aqbalayn wax kasta oo wax yeelaynaya sumcadda, sharafta, cisiga iyo karaamada dawladda Puntland iyo shacabkeeda, isla markaana aan loo ogolaan doonin inay kasii shaqeeyaan gudaha Puntland cidii ku dhaqanta falalka beenabuur ka ah iyo kuwa xanbaarsan ajandayaasha gaar ka ah, huwanna siyaasaddo dana gaara leh.

Ugu Danbayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay hay’addaha ka beriga ah arrimahaasi in aanay marna aqbalin, qaadana beentaas cad ee lagu waxyeelaynayo shaqadooda.

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: