Madaxweyne Gaas oo Nairobi kula kulmay Safiirada Midowga Yurub, Maraykanka, Sweden & Hollan

Sabti, May 16, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo haatan ku sugan magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa kulamo kula qaatay safiirada Midowga Yurub, Maraykanka, Holland , Sweden iyo madax sare oo katirsan Bankiga aduunka.

Madaxweyne Dr. Cabdiweli Gaas ayaa dhammaan madaxda uu la kulmay kala hadlay arrimaha amaanka Puntland iyo sidii ay taageero qalab ciidan oo casri ah Puntland u siin lahaayen , waxaana uu u sheegay in muhiim tahay taagerada ay balan qaadan inay ka dhabeeyaan.

Madaxda Beesha caalamka ayuu sidookale Madaxweynuhu ka dalbaday in taageero deg deg ah la soo gaaraan qaxootiga ka imaanaya Yemen oo ay Puntland kaalin mugleh ka qaadatay dejinta iyo soo dhaweyntooda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland ay ka dhabaysay balanqaadkii ahaa in qaxootiga ka imaanaya Yemen Puntland soo dhaweynayso iyadoo la dhowrayo sharaftooda , qiyamkooda iyo amnigooda.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com