Madaxweyne Gaas oo dhagax dhigay Mashquuc Layr Ah oo uu Yeelanayo Aripotka Magaalada Garoowe

HomeWararka

Madaxweyne Gaas oo dhagax dhigay Mashquuc Layr Ah oo uu Yeelanayo Aripotka Magaalada Garoowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay oo taariikhdu ahayd 3 August 2018 waxaa uu Aripot ka Magaalada Garoowe ee G

MAAMULKA GOBOLKA GEDO IYO MOWQIFKIISA KU AADDAN DOORASHADA SOOMAALIYA (Waraysi)
TARTAN & TACLIIN TOOS/LIVE: Kala soco Radio Daljir Facebook (daawo/dhegayso)
Ergeygii Midowga Africa ee Soomaaliya oo iscasilay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay oo taariikhdu ahayd 3 August 2018 waxaa uu Aripot ka Magaalada Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir Muuse ka dhagax dhiggay mashruuc layr loogu sameenayo Aripot ka.

Madxaweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa ku wehelinayey dhagax-dhiga mashruucan Madxaweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), Wasiir ku xigeenka Wasaarada iyo Agaasimaha guud ee wasaarada, qaar ka mida golayaasha Dowladda Puntland iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir Muuse ayaa waxaa ay maraysaa shaqada lagu wado casriyeentiisa heer gebo-gebo ah, waxaana uu noqonayaa mashruucan nalalka cadceeda ku shaqeeya mid wax wayn ka bedali doona bilicda garoonka, si uu u noqdo mid maalintii iyo habeenkiiba shaqeeya.

Madaxeynha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay munaasibadii dhagax dhiga mashruucan nalalka cadceedaka ku shaqeeya ayaa waxa uu yiri”

“Mar kale waan hanbalyeenayaa barnaamijka Cidii kasoo qayb qaadatay fulinteeda wasaaradda, Madaxweyne ku xigeenka oo qaabilsan barnaamijyadaan iyo Hay’ada laftigeedaba, dabacan garoonka cusub ee la dhisay qurxintiisa, hagaajintiisa, inuu garoonku noqodo garoomada caalamiga ah mid lamida dhireysan, nalal leh, garoonka markii laga soo dego waa meesha laga daalacanayo dalka, sawirka runta ah waxaa bixinaya markii laga soo dego waa garoonka, marka waxaan rabnaa waa garoonka caasimada inuu qurxoonaado, wanaagsanaado, nal leeyahay, jidad fiican leeyahay, cidii markaa ka qayb qaadatay barnaamijkaas horumarinta garoomada gaar ahaan kan Garoowe, aad bay u mahadsan yihiin, waxaan rajeenayaa inaad hawshaas meesha kasii wadi doontaan” ayuu kula dardaarmay shaqaalaha wasaarada Madaxeynha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: