HomeUncategorized

Madaxweyne Gaas oo Mashaariic horumarineed Xariga ka jaray galabtay

Boosaaso May 2 2016- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 2-May-2016 waxa uu kormeeray qalabka lagu dhisi doono waddada Ceel-daahir ilaa Ceerigaabo oo dhowaan ay soo iibsatey dawladda Puntland lagana soo dejiyey Dekedda magalaada Bosaaso.

DHEGEYSO-In kabadan 160 tahriibyaal ah oo lagu qabtay xeebaha Boosaaso.
Wasiirka caafimaadka Puntland oo kala diray maamulkii iyo guddigii caafimaadka ee cisbitaalka Galkacyo.
Markab Talyaani ah oo Bad-badiyay Tahriibayaal ay Somali ku jiraan

Madaxweynaha Dawladda Puntland  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 2-May-2016 waxa uu kormeeray qalabka lagu dhisi doono waddada Ceel-daahir ilaa Ceerigaabo oo dhowaan ay soo iibsatey dawladda Puntland lagana soo dejiyey Dekedda magalaada Bosaaso.

Kormeerka ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey Danjiraha dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Fabrezio Mercelli iyo wufuuddii kale ee ka socotey urur goboleedka IGAD iyo dawladda Federaalka Soomaaliyeed iyo xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Puntland.

Xubno katirsan guddiga waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo iyo Injineerada waddada  ayaa Madaxweynaha iyo Safiirka uga warbixiyey qalabkaan ay soo gadeen nooca uu yahay iyo shaqooyinka lagu qaban doono iyo sidoo kale qalabka loo baahan yahay ee aan weli lasoo gadin.

Dawladda Puntland ayaa ka codsatay dawladda Talyaaniga iyo urur goboleedka IGAD in ay ka caawiyaan mashaariic dhowr ah oo ay ka mid tahay dhismaha waddada Ceel-daahir-Ceerigaabo oo lagu bilaabi doono dhismeheeda qaab isku tashi ah.

Dhinaca kale  Madaxweynaha dawladda Puntland iyo wufuudaasi caalamiga ah ayaa kormeeray Dekedda Boosaaso oo xilligaasi ay ka socotey dib u dayac tirid ay dawladdu ku samaynayso dekedda oo meelo kamid ah uu soo gaadhey bur-bur maadaama dekeddu ay dhisan tahay ku dhowaad labaatan sano.

Geesta kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali  ayaa xadhigga ka jaray labo waddo cusub oo laami ah oo mid kamid ahi ay isku xidhi doonto Garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso iyo magaalada inteeda kale, halka waddada kalena ay isku xidhi doonto Madaxtooyada Boosaaso iyo Jidka Soddonka.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: