Madaxweyne Gaas oo Marti-Qaaday wafdi ka Yimid DDSI

Somalia, November 17, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta Nov 17, 2015 qado sharaf soo dhoweyn howgiisa Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ugu sameeyey qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia   DDSI waxayna ka mid ahaayeen odayaashii kala duwanaa ee ku howlanaa dhex-dhexaadinta beelo colaadi ku dhex martay deegaanada magacley iyo qoriley ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa kusoo dhoweeyey Puntland wuxuuna u sheegay issimada dhaqanka DDSI in Dawladda Puntland iyo shacabkeedu ay ku faraxsan yihiin imaanshahooda Puntland maadaama shacabka labada dhinac ay leeyihiin xiriir qota dheer oo soo jireen ah.

Issimada dhaqanka Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia   DDSI ayaa dhankooda uga mahad celiyay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas iyo shaxabka Puntland soo dhoweynta wanaagsan ee ay u muujiyeen mudadii ay joogeen Puntland, sidoo kale waxay tilmaameen in guul wanaagsan laga gaaray kulamdii ay ka qayb galeen ee lagu dhex-dhexaadinayey beelaha walaalaha ah ee colaadu ku dhex martay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug , deegaanadaas oo ood-wadaag la ah deegaanada kale ee shacabka DDSI.

Issimada dhaqanka Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia  DDSI ayaa Puntland ku sugnaa mudo ka badan Soddon Cisho waxayna ka mid ahaayeen odayaashii dhaqanka ee ka qayb qaatay heshiisiinta beelo ku dagaalamay deegaanada magacley iyo qoriley oo ka tirsan Gobolka Mudug.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com