Site icon Radio Daljir

Madaxweyne Gaas oo magacaabay Taliyihii ciidamada Xasilinta Garoowe

Madaxweynaha dowladda Puntland C/wali Cali Gaas  ayaa waxa uu magacaabay Taliyaha ciidamada xasilinta ee caasimada Puntland ee Garoowe .

Madaxweyne Gaas ayaa xilkan umagacaabay G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka PSF ee gobolka Nugaal.

Xilkan ayaa horay waxaa u hayay Gen Muxiyadiin Axmed Aw Muuse oo haatan ah Taliyaha guud ee ciidamada Booliska Puntland.

Waa taliyihii labaad oo uu madaxweyne Gaas uu umagacaabo ciidamadan xasilinta ee Garoowe .

Wareegtada Madaxweynaha ayaa ku taariikhaysneed 11 bishan .

Exit mobile version