Madaxweyne Gaas oo Magacaabay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud Xirirka Jaaliyaddaha (Akhriso)

Madaxweyne Gaas oo Magacaabay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud Xirirka Jaaliyaddaha (Akhriso)

Digreeto kasoo baxday maanta xafiiska Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xeer Madaxweyne Lr.111 September 24 2017, lagu magcaabay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Xidhiidhka Jaaliyaddaha Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland:

Markuu Arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la magcaabo Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Xidhiidhka Jaaliyaddaha Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Kartidiisa iyo waaya aragnimadiisa shawo.

Wuxuu Xeeriyey:
1. Waxaa Xabiib Abshir Faarax loo Magcaabay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Xidhiidhka Jaaliyaddaha Puntland.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com