Madaxweyne Gaas oo Madaxooyada kula shiray wasiiradii uu dhawaan magacaabay

Arbaco, Luuliyo 08, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe kula kulmay sideed Wasiir oo kamid ah sagaalkii wasiir ee uu dhawaan madaxweynuhu magacaabay, kadib markii uu  isku shaandheyn ku sameeyey Golaha xukuumadda Puntland.

Wasiirada ayaa kala ahaa Wasiirka Cadaaladda, diinta iyo dhaqan celinta Puntland Saalax Xabiib Jaamac , Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland Cabdi Xirsi Qarjab,  Wasiirk maaliyadda Cabdullaahi Shiikh Jaamac, Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Abshir Yuusuf Ciise ,

Wasiirka deegaanka, dalxiiska iyo duurjoogta Puntland Cali Cabdullaahi Warsame, Wasiirka caafimaadka Cabdinaasir Cismaan Ciise, Wasiirka xanaanada xoolaha Puntland Cabdi-jamaal Cismaan iyo sidookale Wasiirka beeraha iyo Waraabka Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu wasiiradaan cusub kula dardaarmay in ay li yimaadan howlkarnimo , derder geliyaana howlaha horyaala si aan marnaba dib u dhac ugu imaan howlaha qaranka.

Sidookale waxaa uu madaxweynuhu wasiirada kula dardaarmay ilaalinta hantida dawladda , ku dhaqanka sharuucda iyo qawaaniinta dalka udagsan , sidookalana xiriir dhow oo wada shaqeyneed wada yeeshaan xoojiyaana isku xirka guud ahaan Gobolada Puntland , sidookalana ka qeyb-qaataan derdergelinta barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda ee dalka ka socda.

 Dhamaad

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com