Madaxweyne Gaas oo la kulmay Madaxa Hay’adda TIS-DAI Mr.Craig Davis iyo wefdi uu Hogaaminayey

Talaado, Abriil 14, 2015 (Daljir) —  Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee maanta aqalka madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madaxa Hay’adda TIS-DAI Mr.Craig Davis iyo wefdi uu hogaaminayey.

Mr.Craig Davis iyo wefdiga la socday ayaa markii ay soo gaareen Madaxtooyada dawladda Puntland  ee Garoowe waxaa kullan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabsiweli Maxamed Cali Gaas, kullan kaas ayeyna uga wada hadleen mashaariicda horumarineed ee hay’adda TIS-DAI ka fuliso Gobolada iyo Degmooyinka Puntland.

Dhinaca hay’adda TIS-DAI ayaa Mr.Craig Davis waxaa uu balan qaaday inay dardar gelinayaan mashaariicdii ay horay uga wadeen Puntland islamarkaana sanadkaan ay kordhin doonaan dhaqaalihii ay Puntland ugu talagaleen inay kaga fuliyaan mashaariic wax ku ool ah oo shacabka reer Puntland ka faa’iidaysanayaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa uga mahadceliyey madaxda hay’adda howlaha muhiimka ah ee ay Puntland kawadaan iyo kordhinta dhaqaalaha ay ugu talagaleen Puntland.

Sidookale Madaxweyne Gaas ayaa madaxda Hay’adda TIS-DAI ku dhiirigeliyey inay ku balaariyaan mashaariicdooda dhammaan sagaalka gobol ee Puntland, iyagoo ahmiyad gaar ah siinaya deeganada kabaxsan laamiga.

Hay’adda TIS-DAI ayaa kaalin wanaagsan ka qaadatay horumarinta iyo hirgelinta wadooyin laami ah oo laga dhisay magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland, waxaana hada u qorshaysan barnaamijyo horumarineed oo waxtar uleh shacabka reer Puntland.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com