Madaxweyne Gaas oo kormeeray Xarunta Ciidanka Badda Puntland ee Boosaaso (Sawiro)

Madaxweyne Gaas oo kormeeray Xarunta Ciidanka Badda Puntland ee Boosaaso (Sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 16 April 2018 waxaa uu kormeer ku tagey xarunta ciidanka Badda ee Puntland ee PMPF ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga ee Puntland, islamarhaantaana ka hadlay xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya Dawladda Isutaga Imaaraatka Carbta iyo Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehelinayey xubno ka tirsan Goloyaasha Dawladda Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu kulan gaara la qaatey madaxa xarunta UAE uqaabilsan PMPF Boosaaso, islamar ahaantaana waxaa uu Madaxweynu xaruntaasi uu salaan sharf kaga qaatey cutubyo Katirsan ciidanka Badda ee Puntland ee PMPF, kadibna hadal kooban oo dardaaran iyo dhiiri gelin ah uga soo jeediyey ciidanka”

“Aad baan idiin salaamayaa farxad iyo rayn-rayn weyn bay noo tahay inaan maanta halkaan idinku soo booqano aniga iyo wafdiga ila socdaba, Dawladda Puntland iyo Sanatarada aqlka sare ee Dawladda Puntland umatala DFS sharaf weyn bay inoo tahay inaan idiin imaadno, idin soo booqano, eegno xaalada ciidan ee aad ku jirtaan, aad ku sugan tihiin, idinku bogaadino shaqada muhiimka ah ee aad dalka u haysaan, weliba rabno hortiina inaan ka cadeeyo, idiin sheegana inaad tihiin ciidanka Soomaaliya ugu wanaagsan, uguna fiican, ugu tababarka fiican, u akhlaaq fiican, u hawlkarsan, una shaqada badan, siyaabo badan oo dadku ogeyna aad ugu adeegtaan Puntland iyo Soomaaliyaba, ha noqoto ladagaalakan xagjirka ama Shabaab, Daacish iyo wixii lamida la dagaalanka cidkasta oo dhib ka abuureysa xuduudaha Puntland, ladagaalanka Burcad-Badeeda, ladagaalanka kaluumaysiga sharci darada ah iyo ladagaalanka tahriibka, marka la yiraahdo ciidanka Badda Puntland dadbadani ma fahansana shaqooyinka tirada badan ee aad dalka ka haysaan, inaad gudaha dalka berri iyo badba aad ka shaqeysaan, kuna filan tihiin shaqada aad haysaan, waa inay dadku ogaadaan shaqooyinka aad haysaan inay ka baxsan yihiin kuwii la idnku tala galay, waxaan idiin sheegayaa inay Puntland aad ugu faraxsan tahay shaqada wanaagsan ee aad haysaan, waxaan idin leeyahay shaqada wanaagsan ee aad dalkiina u haysaan sii wada horeyna uga sii socdsiiya, wanaagaas badan ee aad dadka u haysaan reer Puntland waa idiin ogyihiin, Soomaaliya baan rabnaa inaan sidaa ugu sheegno aad iyo aad baad u mahadsan tihiin marar badan oo kale waan idin soo noqoneynaa ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu shir jaraa’id oo uu qabtey kaga hadlay mawqifka Dawladda Puntland ay ka taagan tahay arimaha Iskutaga Imaaraatka Carbta iyo DFS waxaana uu madaxweynuhu yiri”

“Dawladda Isutaga Imaaraataka Carabta iyo Dawladda Puntland waxaa ka dhexeeya xiriir aad u wanagsan, gancsiga waa xiriirka ugu weyn ee Soomaaliya uu la leeyahay dalkan waxa Soomaaliya la kenaa waa wax lagu keeney doonyo iyo maraakiib ka timaada Dubai iyo Abu Dubai ka, waxa dalkaani ganacsigiisa ku dhisan yahay kumayaal soomaali ah ayaa ka shaqeeya, ganacsi ku leh, deegaan ku leh saas daradeed xiriirkoodu waa xiriir qiimo gaara noogu fadhiya anaga qadarin gaarana naga mudan ilaalin gaarana nagu waajibinaya, Dowladda Isutaga Imaaraatka Carbta waxaa naga dhexeeya xiriir dhanka amniga ah, amingaas oo ka kooban markaan eegno xiriirka Puntland kala dhexeeya la dagaalanka xagjirnimada oo ay naga saacidaan ladagaalanka Al Shabaab, Daacish, ladagaalanka Burcad Badeeda, ladagaalanka tahriibka iyo dhicida khayraadka dalka ama kaluumaysiga sharci darada ah, intaaso dhan waxa qabta waa ciidanka aan maanta halkan ugu nimaadnay ciidnkaas waa ciidan ku dhaw 2,000 waxayna ka hawl galaan Puntland oo dhan Bad iyo Berriba waxay joogaan Garacad, Eyl, Isku-Shuban, Baargaal, ceelaayo, Boosaaso, Qandala iyo meelo kale oo badan oo ay kula dagaalamaan Daacish iyo wixii la xariira, waxay kaloo ciidankaan ka hawlgalaan Gal-Gala iyo Buuraha Calmadow oo ay kula dagaalamayaan kooxaha AL-Shabaab, ciidamada PMPF waxaa ay yihiin ciidamada ugu xooga badan ee halkaasi ka hawl gala, ciidankaasi waa ciidan tababaran oo an isleeyahay waa ciidanka ugu tababarka fiican Soomaaliya, waana ciidanka ugu akhlaaqda wanaagsan, waana ciidan qalab ku filan oo Soomaaliya cid haysta aanay jirin, ciidankaasi hawsha ay hayaani waa hawl ay Puntland iyo Soomaaliyaba u hayaan, maaha in hadii ay Puntland ka tirsan yihiin in ay Puntland kaliya u shaqeeyaan, waaxaanu joognaa difaaca ugu horeeya ee Soomaaliya, waxaanu idiin sheegaynaa in Dowladda Imaaraatka Carabta aanu ka codsaney in ay sii wadaan tababarka ciidankaas ay joogaana Puntland, ciidanku waa jirayaa tababrayshuna waa joogayaan waxaan ka codsany inay sii laba-laaban hawsha ay hayeen, waxaan cadeenaynaa in aysan jirin ciid noola siman Dowladda Imaaraatka Carabta, wax kasta oo khalada oo naga dhacayna waan u cudu-daarayaa una sheegaynaa inay yihiin saaxibo aan jecel nahay ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugudanbayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa tan iyo maalinta berrito kusii sugnaan doona magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kadibna dib ugu laaban doona caasimada Dowladda Puntland ee magaalada Garoowe.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com