Madaxweyne Gaas oo kawada Jawaabay Su,aalihii Barlamaanka

Isniin, Oktoobar 26, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 26-10-2015 hortegey Golaha Waiilada Puntland si uu uga jawaabo su\’aalo ay qabeen mudanayaashu.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa soo xaadiray kullanka, waxaana Goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Siciid Xaasan Shire , Labada Guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka , Wasiiro iyo Bahda warbaahinta .

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Siciid Xassan Shire oo ugu horeyn ka hadlay kullanka ayaa sheegay in maanta uu Madaxweynuhu ku yimi codsigii baarlamaanka ee shalayto xildhibaanadu codsadeen in madaxweynaha ay weydiiyaan, kuwaasi oo la xiriira howlaha qaran ee  dalka ka socda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa dhammaan mudanayaasha baarlamaanka uga mahadceliyey sida ay ugadanayaan waajibaadka qaran ee saaran, una sheegay in uu diyaarna u yahay inay weydiiyaan su\’aalo .

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa madaxweynaha weydiiyey su\’aalo, kuwaasi oo la xiriiray xaaladda guud ee dalka , barnaamjyada horumarineed , waxayna ku bogaadiyeen Madaxweynaha iyo xukuumadiisa dedaalka horumarineed ee ka soconaya guud ahaan Puntland oo maanta qaaday dhabada horumarka iyo wanaaga.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa qiray in Gobalada Puntland  dhammaantood ay dawladdu kahayso howlo muhiim ah oo la xiriirta horumarka , waxaana uu sheegay in Gobalada dhiman ee uusan tagin ay u qorshaysan tahay in uu tagayo wakhti dhow.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com