Madaxweyne Gaas oo ka qaybgalay doorashada golaha deegaanka Dangorayo

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo oo gaaban ugu amba baxay Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa si weyn ugu soo dhoweeyey boqollaal dadweyne ah, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqaneysey sida ay ugu faraxsanyihiin booqashada uu ugu yimi Madaxweynuhu.

Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa salka ku hayey ka qayb galka doorashada  Golaha cusub ee Deegaanka Degmada Dangorayo oo ka kooban 27-xubnood isla markaana  fiid-nimadii hore ee caawa lagu soo geba-gebeeyey  magaalada dangaroyo, iyadoona la doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen.

Doorashada ayaa u dhacday qaab gacan taag ah iyadoona ay kooramka soo xaadireen 19-mudane oo ka mid ah xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka degmada Dangarayo isla markaana waxaa guddoomiye loo doortay Mukhtaar  Cabdiraxmaan Axmed, halka guddoomiye ku-xigeenna loo doortay  Maxamed Faarax Muuse.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa bogaadiyey qaabka ay  doorashadu  u dhacday oo ahaa mid caddaalad ah isla markaana waxaa u ballan-qaaday Madaxweynuhu in ay dawladda Puntland Gacan buuxda siin doonto golaha cusub ee deegaanka degmada Dangorayo si’ay uga dhabeeyaan hirgelinta adeegyada aas-aasiga u ah bulshada.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyey golahaan cusub in isbeddel deg-deg ah ka muujiyo degmada maadaama ay jiraan hawlo baaxad weyn oo horyaalla golahaani cusub isla markaana looga baahan yahay in ay la yimaadaan dedaal iyo karti dheeraad ah.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay bulshada degmada Dangorayo in ay garab istaagaan golahaani cusub si ay ugu sahlanaato hirgelinta mashaariicaha horumarineed iyo bixinta adeegyada aas-aasiga ah ee ay ka mid taay Waxbarashada, Caafimaadka iyo nabad-geliyada.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com