Gaas oo u Yeeray Madaxda Hay’adaha UN-ka iyo NGO-yada Puntland

Gaas oo u Yeeray Madaxda Hay’adaha UN-ka iyo NGO-yada Puntland

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 31 May 2017 qasriga Madaxtooyada Garoowe kulan kula yeeshay madaxda Hay’addaha UN-ka iyo kuna NGO-ga ee ka hawl -gala Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey Madaxweyne kuxigeenka Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ahna guddomiyaha guddiga abaaraha Puntland, Wasiirka Qorsheynta Iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Dr. Shire Xaaji Farax  iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Muhiimada kulankan maata uu madaxweynaha Dawladda Puntland la yeeshay Hay’ada UN-ka iyo Kuwa NGO-yada ayaa waxay ahayd la xisaabtanka Hay’adahaasi shaqada dalka ay ka qabtaan iyo sidii wax looga qaban lahaa  waxyeelada ay reebtay abaartu.

Dhinaca kale Madaxwqeynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kulan ka furay ayaa ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in laga diyaar garoobo abaaraha soo noqnoqday iyo mustaqbalka sidii wax looga qaban lahaa, isla markaana waydiiyey  Hay’adahaasi  qorshaha uga degan ka hortaga abaaraha, waxqabadkoodii xiligii abaarta iyo sidii ay uga qayb qateen gurmadkii loo fidinaayey dadka abaartu waxyeelaysay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn sheegay in hay’addaha UN iyo kuwa NGO-ga ay Puntland waxbadan ka qabteen, isla markaana ay dedaal badan muujiyeen xiligii adkaa ee ay jirtey abaartu, waxaana uu kubooriyey inay sii wadaan dedaalka iyo dardargelinta shaqooyinka muhiimada u leh shacabka Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland oo kahadlay saamaynta abaartii baaxada lahayd ee ka dhacday guud ahaan Geyiga Soomaalidu degto ayaa shegay in ay  reebtay raad ay adag tahay inay ka soo kabtaan dadka xoola dhaqatada ahi madaama ay kabaxeen in badan oo kamida dadkaasi xoolihii ay manaafacaadsan jireen abaartaasi darteed.

Ugu danbayn:  Madaxweyne Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in iminka ay lagama maarmaan ay tahay in lasyka kaashado sidii looga hortigi lahaa aafooyinka ay abaaruhu keenaan, waxaana uu xaqiijiyey in ay si degdega ugu baahan yihiin in la xaqiijiyo noloshooda iyo  sidii loogu hagar bixi lahaa inay helaan Hu’, caafimaad, Raashin iyo dhaqaale ku filan si ay u maareeyaan noloshooda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com