Madaxweyne Gaas oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Jubbaland

Axad, Ogoosto 16, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii dambe hoygiisa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug kullan kula qaatay Haweenka Gobalka Mudug.

Kullanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyey gudoomiye ku xigeenka Gobalka Muudug Axmed Muuse Nuur , waxaana ay haweenka ka qeyb-galay kullanka madaxweynaha uga mahadceliyeen sida wanaagsan ee uu soo dhaweeyey ulana kulmay.

Shirka ayaa mudadii uu socday waxaa ay haweenkii ka qeyb-galay oo isaga kala yimid degmooyinka Puntland soo bandhigeen dadaalka hagar la’aaneed ee had iyo jeer lagarab taagan yihiin Dawladda, iyagoona ku amaanay madaxweynaha sida ay uga go’antahay in uu Puntland u horumariyo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan Haweenka Soomaaliyeed ku amaanay  doorka lama ilaawaanka ah ee ay ka qaataan Nabada iyo horumarinta dalka, waxaana uu alle  uga baryey in dadaalka ay wadaan uu la garab galo kuna guuleeyo.

‘’ Waan idin soo dhaweynayaa waana ku faraxsanahay inaad ii timaadaan , waana ogahay doorka muhiimka ah ee aad ku leedihiin bulshada , nin aan ogeyna majiro  anana waan ognahay cidkastana waa idiin ogtahay ‘’ Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xukuumadiisa ay door muhiim ah kaga jiraan haweenku , islamarkaana uu ku dadaalayo sidii haweenka looga horumarin lahaa dhinaca waxbarashada si aqoontoodu u sarayso.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com