Madaxweyne Gaas oo Buurta ku soo guryonoqday (Xafiiska Warfaafinta)

Madaxweyne Gaas oo Buurta ku soo guryonoqday (Xafiiska Warfaafinta)

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Dib Ugu Soo Laabtay Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa galabta oo taariikhdu tahay 9 Sep 2018 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo maanta kasoo kicitimay magaalada Kismaayo ayaa waxaa kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Janaraal Maxamed Abshir Madaxweyne ku xigeenka Dolwadda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiye kuxugeenka labaad ee Golaha wakiilada Dowladda Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliska, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland,  saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey oo madaxweynaha kusoo dhaweeyey magaalada Garoowe ayaa uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka waxaana uu madaxweyne ku xigeenku sheegay in xaalada guud ee dalku wanaagsan tahay.

Dhinaca kale Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyey shirkii Golaha iskaashiga Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, ee ku soo geba-gaboobey maalinimadii shalay ahayd magaalada Kismaayo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbaland, shirkaas oo uu Madaxweynuhu sheegay in uu ku soo dhammaaday guul, waxaa kaluu madaxweynuhu sheegay in uu kasoo baxay shirkaasi is afgarad, isla’markaasina madaxda Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ay go’aamo kasoo saareen.

“Waad ku mahadsan tahay madaxweyne ku xigeen adiga iyo goloyaashad Dolwdda, maamulka degmada iyo kan gobolkaba soo dhaweentiina wanaagsan aad iyo aad ban idinkaga mahad naqayaa, saad lasocteen waxaan mudo usbuuc ku maqnaa shirkii madasha qaranka oo aan iskugu nimid kii sadaxaad magaalada Kismaayo, shirkaas oo diirada lagu saarayey geedi socodka dowladnimada iyo nabadgelyada Soomaaliya, falanqeyn dheer kabacdi qaadatay mudo dheer iyo wada hadal, dabcan waxaa kasoo baxay War-murtiyeedkii aad wada dhegeysateen dhammaantiin, waxaa isleeyahay saan ka sheegey shirkii madasha ujeedada ugu danbeysa oo la’lleeyahay waa wadankan in laxoreeyo, laxasiliyo, Dowladnimo Soomaaliyeed uu helo, ajendayaashii diirada lagu saarayey wexey ahaayeen doorashooyinka qaabka ay noqonayaan hal qof iyo hal cod in 2020 lagaaro, ma doorasho deegaan bay noqoneysaa, arrimaha dastuurka waxa qabyada ka ah, nebedgalyada waxa iska badaley iyo sida wax looga qaban karo shabaab oo runtii dhib weyn dalka ku haysa ama deegaankeena ha noqoto, ama deeganada kale ee Soomaaliya, arrimaha noocaas ah oo aan is leenahay waxay qayb weyn ka yihiin masiirka wadanka ayaa looga wada hadlayey, waxaana uu ku soo dhammaaday si guula, si nabada, waxaan isleenahay qodobadaas soo baxay waa mid muhiim u ah dalka iyo horumarkiisa iyo guul Soomaaliyeed” Ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay hanaanka Federaal ee uu dalku qaatay in uu kala xadeenayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah uuna mid walba saarayo masuuliyad iyo waajibaad u kala gaara.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

  

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com