Madaxweyne Gaas oo Buugiisa Cusub Ku Soo Bandhigay Garowe Book Fair (Sawirro)

Madaxweyne Gaas oo Buugiisa Cusub Ku Soo Bandhigay Garowe Book Fair (Sawirro)

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 July 2017 magaalada Garoowe ku Daahfuray bandhii 3-aad ee buugaagta, sidoo kalena waxa uu Madaxweynuhu madashaasi kusoo bandhigay boogiisa lagu magcaabo  ”A Challenging Transition In Soomaali”, kaasi oo ka waramaya wax qabadka la taaban karo ee uu Madaxweynuhu wadankiisa ka hirgeliyey xiliyadii  kala gedisnaa ee uu ku jirey saaxadda siyaasadda.

Furitaanka Bandhii 3-aad ee buugaagta ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland, 63 qoraa oo Soomaaliya oo Madaxweynuhu qayb ka yahay, marti-sharaf lagu marti qaaday bandhigani oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo debediisaba, aqoon yahano, arday, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo khudbad muhiima ka jeediyey furitaanka munaasibadani ayaa sheegay in dawladdu qayb lixaad leh ka qaadatahay, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu balan qaaday in uu dhax dhigidoona, hirgelinadoono dhismayaal wax badan ka taridoona soo noolaynta Afka Hooyo iyo dhaqankeena.

“Dabcan anagu bandhigan  asaaskiisa wax baan ka ogeyn, waxaan dhisi doona Akademiyadda horumarinta dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed, Waa afar qeybood oo ah meel taariikhda lagu ururiyo , Maktabad gaar ah oo taariikhdeena lagu kaydiyo,  oo aan ku keydsano buugaagta ka hadlaysa taariikhda iyo horumarinta  suugaanteena, iyo tan u danbeysa oo ah Tiyaatar Qaran oo ah meel dadka suugaanleyda ah isugu yimaadaan, kusoo bandhigaan aqoontooda iyo talenti-gooda.” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhalinta Soomaaliyeed iyo kuwa reer Puntlandba ku booriyey in dadka taarikhda haya, wax badana ka og dhaqanka Soomaaliyeed ee soo jireenka ah laga faa’iidaysto.

”Waxa jira dad waaweyn oo waxbadan og, oo taariikh haya waxaa loo baahanyahay in dhallinyaradu dadkaasi kala haraan waxbadan oo aqoon iyo taariikh ah. hada waa soconaynaa Insha Allah waana ku laabaneyna meeshii aan ka nimid insha Allah.” ayu yiri Madaxweynuhu

Dhinaca Kale Madaxweynaha Puntland ayaa dhalinta ku dhiiriyey inay iibsadaan buugaagta say uga faa’iidaystaan cilmiga ku duugan iyo afgaarta kala gedisan ee ku qoran.

”Waa in buugaagta la iibsado waxay dhiirigelin u tahay qorayaasha , buuga aad iibsato xitaa caruurtada dhaxal ayeey u tahay, waxaan rabnaa sidoo kale inaan ku dhiirigelino dadka sponsors-ka ah inay usoo jeestaan, Bandhiguna waa inoo furanyahay waana mahadsantihiin” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ugu Danbayntii,  Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo bandhigay buugiisa lagu magcaabo ”A Challenging Transition In Soomaali” kaasi oo ka xog waramaya wax qabadkii kala duwanaa ee uu Madaxweynuhu ka qabtay Soomaaliya intii uu ku jirey saaxadda siyaasadda.

SAWIRRO

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0