Madaxweyne Gaas oo Boosaaso Ku Wajahan Si uu Xariga Uga Jaro Mashaariic iyo Shaybaar Casri ah

Madaxweyne Gaas oo Boosaaso Ku Wajahan Si uu Xariga Uga Jaro Mashaariic iyo Shaybaar Casri ah

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo uu ka daah furi doono mashaariic ballaaran oo dowladdu ka fulisey halkaasi.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa waxa uu xariga ka jari doonaa mid kamid ah shaybaarada ugu waaweyn geeska Africa ee cuntada lagu baaro oo dowladda Puntland ku ilaalin doonto tayada cuntada iyo waqtigeeda intaba.

Dhanka kalena, madaxweynaha ayaa la filayaa inuu xariga ka jaro qasri ay magaalada Boosaaso ka dhisatay wasaaradda ganacsiga iyo wershedaha ee dowladda Puntland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com