Madaxweyne Gaas oo Baydhabo u duulay

Madaxweyne Gaas oo Baydhabo u duulay

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayey ayaa maanta 13 May 2018 waxaa uu safar shaqo ugu amba-baxay magaalada Baydhabo xarunta maamul goboleedka Koonfur Galbeed, isagoo ka qayb geli doona shirka Dowladaha xubnha ka ah Dowlada Fedraalka Soomaaliya ee ka dhici doona magaaladaasi .

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa safarka ku wehelinaya masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawlada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha oo ka hori ntaanu ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee conoco warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in isaga iyo wafdigiisu ay Baydhabo u tegayaan ka qayb galka shirar muhiim ah oo ay wada qaadan doonaan Madasha Wada Tashiga Qaran ee Soomaliya.

“Waxaan maanta u safraynaa aniga iyo wafdiga ila socda caasimada kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo, waxaana ka qayb gelaynaa shirkii ay iskugu imaanayaan madadaxda Maamulada Xubnah ka aha Dowaladaa Fedetraalka Soomaaliya, waa shirkii labaad wuxuu daba socdaa kii lagu qabtay sanadkii lasoo dhaafay October magaalada Kismaayo, shirkaan oo diirada lagu saarayo arrimo badan oo xoojionaya dumuqraadiyada iyo Federaalisimka, sidoo kalena lagawda hadlayo arrimo muhiim u ah hore usocdka iyo geedi socodka nabada Soomaaliyeed, ama ha noqdo qaybsiga awoodaha, ama qaybsiga khayraadka, ama hanoqoto waxyaabo badan oo hor yaala oo loo baahan yahay in laga gudbo, si Soomaaliya u hesho Dowladnimo taabagasha, Insha Allaah shirkaas baan aadeynaa, wadanku waa nabad asagoo nabadana inaa kusoo laabto baan rajeen” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in la taabogeliyo arrimaha geedi socodka nabada, isagoo tilmaamay in uu rajaynayo is hore loogu gudbo is beddel siyaasadeed oo Soomaaliya ka hir gala waqtiyada dhow ee inagu soo aadan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com