Madaxweyne Gaas oo agaasimaha guud ee madaxtooyada u magcaabay Dr. Deeq Sulaymaan Yuusuf

Garoowe, January 14, 2014 – ?Madaxweynaha Puntland Prof. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland u magcaabay Dr. Deeq Sulaymaan Yuusuf oo ah khabiir dhinaca cilmiga bulshada ah, isagoo wax ku bartay dalka Ingiriiska.

Digreeto ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu shaaciyey agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland, Dr. Deeq ayaa madaxweynaha cusub kala shaqayn jiray dhinaca la talinta maamul wanaaga iyo arrimaha road mapka xiligii uu Prof. Gaas ahaa ra?isal wasaaraha dalka.

War-bixin ku saabsan

Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada ayaa ah Aqoonyahan ku Takhasusay Cilmiga Bulshada waxaana Seddex Degree oo labo ay tahay Master?s Level uu ka qaatay Dalka Ingiriiska gaar ahan Magaalada London.

Waxaana uu si gaar ah u bartay BA (HONS) Social Welfare- Brunel London University, Masters Degree in Refugee Studies University Of East London, Masters Degree Social Work Brunel University London UK.

Deeq wuxuu la soo Shaqeeyay Institute Of Peace and Security Studies oo kamid ah Jamacadda Addis Ababa iyo African Union Qaybta Peace And Security Programme Expert Consultant oo uu u qabilsana Cilmi baarista dib u xasilinta Dalka Somalia.

Dr. Deeq wuxuu ka soo shaqeeyay Dalka Ingiriiska isagoo ka soo qabtay Xilal ay kamid ahayeen Senior Social Worker, Senior Substance Misuse Practitioner, Care Manager, Senior Care Coordinator, Senior Mental Health Practitioner, Senior Community Development Officer.

Sidoo kale Deeq wuxuu ahaa lataliyaha Raisulwasarihii hore ee Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Arrimihii Road Map-ka Gaar ahaan Maamul Wanaagga.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com