Madaxweyne Gaas iyo wasiirka Arimaha dibadda Kenya oo Nairobi ku shiray

Isniin, May 04, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Oo Maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Nairobi ee  caasimadda dalka Kenya ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibbadda dalkaasi Kenya Aamina Maxamuud , Waxaanay kawada hadleen arrimo ay kamid yihiin sidii laysaga kaashan lahaa amniga, Qaxootiga faraha badan ee soomaaliyeed ee kudhaqan dalkaasi Kenya iyo Xawaalada Soomaalida oo dhowaan  ay Xayiraad kusoo rogtey dawladda Kenya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wasiirka kala hadlay sidii laysaga kaashan lahaa adkaynta ammaanka Geeska afrika loona soo afjarilahaa kooxaha sharwadayaasha ah ee al-shabaab oo adeegsanaya  magaca diinta islaamka oo ay been ka sheegayaan si’ay amni darro iyo khal-khal uga abuuraan geeska afrika.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  u sharaxay Wasiirka Umuuraha dibbadda Dalkaasi Kenya Horumarka iyo Nabad-gelyada kajirta Puntland, waxaana uu ka dalbaday in ay dhinacooda ka qey-qaataan iyagoona dalka ka samaysanaya maalgashiyo caalami ah kana taageeraya dhinac walba.

Kulankii ay wada yeesheen Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas iyo Wasiirka Arrimaha DIbbadda Dalkaasi Kenya Amina Mohamoud ayaa waxaa uu kusoo dhammaaday  guul, is afgarad ,  waxaana Waxaana laysla qaatay in meel looga soo wada jeesto cadowga geeska Afrika oo ay ugu horeeyaan kooxaha xagjirka ah ee Al-shabaab.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maalinta arbacada ah ka amba-bixidoona Magaalada Nairobi ee dalka Kenya isagoo ku sii jeeda Magaalada Roma ee caasimadda dalka Talyaaniga halkaas oo uu marti-qaad rasmi ah ka helay madaxda dalkaasi talyaaniga ayna kaga wada hadli doonaan arrio badan oo laxidhiidha horumarka Puntland iyo soomaaliya.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com