Madaxweyne Gaas, “Baarlamaanku wuxuu Qaaday Tallaabo Dastuuri ah” (Dhegayso)

Madaxweyne Gaas, “Baarlamaanku wuxuu Qaaday Tallaabo Dastuuri ah”  (Dhegayso)

Gowe – Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tallaabo sharciga waafaqsan ku tilmaamay go’aankii maanta oo Talaado ah golaha Baarlamaanka Puntland ay xasaanaddii xilal ahayneed uga xayuubiyeen dhammaanba golaha xukuuumadda Puntland, tallaabadaasi oo wakiilladu cod aqlabiyad ah ku meelmariyey.

Madaxweyne Gaas oo  shir jaraa’id qabtay waxyar kadib markii xildhibaannada Baarlamaanku xasaanaddii kala noqdeen xukuumaddiisa ayaa muujiyey dareen  soo dhaweyneed oo go’aan gaarista Baarlamaanka ah, inkasta oo uusan afka ku ballaaran, si faahfaahsanna uusan uga hadlin tallaabo qaadkaasi golaha, waxaase uu hoosta ka xariiqay in uu ahaa go’aan dastuuri ah, golaha Baarlamaankuna uu xaq u leeyahay ku dhaqaaqidda tan oo kale.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa shirkiisaasi jaraa’id sidoo kale ka sheegay albaabka u furan madaxweyne ahaan in uu yahay in uu soo dhiso gole xukuumadeed oo cusub, isagoo raacaya wadiiqooyinka dastuurku u fasaxayo ee dhismaha xukuumadda iyo xilliga u cayiman in uu ku soo magacaabo gole wasaaradeed oo cusub.

Dhinaca kale, madaxweynuhu waxaa uu hadalkiisa ku daray codsiyo ku wajahnaa ciidamada ammaanka iyo shacabka Puntland oo Issimadu ugu horreeyaan, waxaana uu shacabka Puntland ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan ammaanka iyo nabadgalyada dalka, gacanna ku siiyaan ciidamada ammaanka, waxaana sidoo kale uu ku celcelyey ciidamadu in ay xoojiyaan hawlaha amni ee dalka iyo dadka reer Puntland ay u hayaan, kana feejignaadaan dhagaro cadaw oo sida uu sheegay lala maagganaan karo nabadgalyada iyo xasiloonida deegaannada Puntland, wuxuuna carrabka ku dhuftay in maanka lagu hayo meekhaanka maanta dalku joogo iyo hormarinta lixaadka leh ee ka socota.

Baarlamaanka Puntland ayaa xil-ka-qaadista xukuumadda madaxweyne Gaas u cuskaday qodobo dastuuri ah, iyagoo ku eedeeyey xilgudasho la’aan iyo ka gaabin waajibaadyadii shaqo iyo masuuliyadeed ee ay dalka iyo dadka reer Puntland u hayeen.

Golaha xukuumadda Puntland ee maanta xildhibaannada baarlamaanku xasaanadda ka qaadeen ayaa ka koobnayd 53 xubnood oo iskugu jira wasiirro, wasiirro kuxigeenno iyo wasiiru dawlayaal, kuwaasi oo iskugu dhafnaa wasiirradii xukuumaddii ugu horrayey ee Gaas uu soo dhisay markii la doortay bishii Jannaayo ee sannadkii 2014kii iyo kuwo ka dambeeyey oo iyana shaqayney labadii sano ee ugu dambeeyey iyo kuwo kale oo dhawaan la magacaabay.

Waa markii ugu horraysay oo sidaan oo kale Baarlamaanka Puntland ay u ridaan xukuumadda tan iyo markii la dhisay Puntland sannaddii 1998-dii, mana dhicin tallaabo qaad noocaan oo kale ah oo Baarlamaanku uu ku riyadayo golaha xukuumadda muddadii 19ka sano ahayd ee Puntland ay dhisnayd.

Sikastaba ha noqotee tallaabadaan Baarlamaanka Puntland uu maanta qaaday, xasaanaddiina ugala noqday golaha wasiirrada ayaa ah mid dhinacyo badan laga taagan yahay, waxaana bulshada reer Puntlanad qaarkood u arkaan go’aanka Baarlamaanku in uu yahay mid wanaagsan oo u danaynaya dalka iyo dadka reer Puntland, ayna sahli doono dhismaha gole xukuumadeed oo ka tayo wanaagsan kuwii hore, halka aragtiyaha qaarkoodna ay muujinayaan in ay ahayd tallaabo aan loo baahnayn maanta, kuna soo beegantay xilli aan munaasib ahayn, dalkana ay ka jiraan duruufo abaarihii ka dhashay, dhinaca kalena uu jiro dadaallo hormar oo dalka si baaxadleh uga tallaabo qaaday waayihii ugu dambeeyey.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir.

 

Shirka Jaraa’id ee Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Hoos ka dhegayso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com