Madaxweyne Farmajo oo la Kulmay Amiirka Qadar

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulan kula qaatay Amiirka Dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Maxamed Althaani.

Kulanka labada mas’uul ayaa la iskula soo qaaday xiriirka labada dal,iskaashiga,dhaqaalaha,Ganacsiga,amniga iyo kaalmada Qadar ee Soomaaliya.

Wargeyska The peninsula ee ka soo baxa Dalka Qadar ayaa sheegay in kulanka labada mas’uul uu ka bar bar qabsoomay kulankii Madaxda Waddamad Islaamka ku lahaayeen magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga.

Amiirka Qadar ayaa ballan qaaday in uu xoojinayo xiriirka Dowladdiisa la leedahay Soomaaliya,sidoo kalena Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ka taageerayo sidii ay Soomaaliya nabad u noqon lahayd.

Sidoo kale kulanka ayaa la iskula soo qaaday horumarinta Mashaariicda dowladda Qadar ka fuliso Soomaaliya iyo sidii loo dhameystiri lahaa.

Kulanka intii uu socday waxaa sidoo kale ka qeybgelay Wasiirro kala matalayay labada Dowladood kuwaas oo iyana ka wada hadlayay xiriirka labada dal iyo Wasaaradaha is quseeya wadashaqeyn tooda.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com