Madaxweyne Farmaajo oo laga sugayo Cabudwaaq (dhegayso)

Madaxweyne Farmaajo oo laga sugayo Cabudwaaq (dhegayso)

Madaxwaynaha Somalia oo Socdaal uu kua kulmay Bulshada qaybahooda kala
duwan ku kala Bixinaya Deegaano iyo tirsan Gobollada Somalia.

Farmaajo oo Hadda ku sugan Boosaas ayaa ku guda jira Dhamaadka
Booqashadiisa Puntland isagoona kadib u amba bixi doona Gaalkacyo oo
uu uga sii gudbi doono Deegaano katirsan Magaalooyinka Galmudug.

Magaalada Caabudwaaq oo dhacda Waqooyiga Galgaduud ayaa qayb ka ah
Meelaha uu safarka ku tagi doono Madaxwayne Farmaajo sida ay shaacisay
Madaxtooyada, Waxaana lagu so waramayaa in Magaaladaas hadda ay ka
socoto Qabanqaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro diyaar garowga so =o
dhawaynta Madaxwaynaha.

Sidoo kale waxaa maalmihii dambe Caabudwaaq gaaray wufuud hordhac u ah
safarka madaxwaynaha oo ka kala socda Galmudug iyo Dowladda Dhexe.

Madaxa Arimaha Bulshada Caabudwaaq Muuse Axmed Maxamed oo qayb ka ah
qabanqaabiyaasha Soo dhawaynata Madaxwaynaha ayaa Daljir uga waramay
halka ay wax umarayaan iyo sida ay udiyaar garooween.

Cumar Lakiman oo ku sugan Daljir Boosaaso ayuu Taleefanka ugu waramay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com