Madaxweyne Farmaajo oo Kulan Xasaasi ah la qaatay Xildhibaanadii Xaaf Mooshinka ka keenay

Madaxweyne Farmaajo oo Kulan Xasaasi ah la qaatay Xildhibaanadii Xaaf Mooshinka ka keenay

Madaxweynaha Dowladda Somaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulan Xasaasi ah xalay la qaatay xildhibaanadii mooshinka ka keenay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Xaaf.

in kabadan 15 Mudane ayuu kula kulmay Xarunta Madaxtooyada ee Muqdisho ,wuxuna kala hadlay xalaadda degaanadda Galmudug iyo Arimaha siyaasadeed ee kajira deganadaas.

Xildhibaannadan oo ah kuwii sheegay in ay xilka ka qaadeen Xaaf,ayaa la filayaa Madaxweynaha in uu u soo bandhigo wixii ay ku heshiiyeen Madaxweyne Xaaf iyo Dowladda Federaalka ah.

Kulankan waxaa goobjoog ka noqonaya Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carrabey,Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isku dayaya in Xildhibaannada sheegay in ay xilka ka qaadeen Xaaf uu ku qanciyo in ay ka tanasulaan go’aankii hore islamarkaana Xaaf loo daayo shaqadiisa in uu sii wato.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com