Madaxweyne Farmaajo oo Kulan la qaatay Xildhibaanada Barlamaanka Puntland

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo oo Kulan la qaatay Xildhibaanada Barlamaanka Puntland

Xafiiska Madaxweynaha dawlada fedderalka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka dhacay kulan Baarlamanka Soomaa

Puntland oo dib u celisay 50 Ruux oo itoobiyaan ah (Daawo)
BAYDHABO: MAY IYO MAXAA TIRI MAAHMAAHO HEESO IYO GABAYO | daawo)
MAANHADAL: Kenya oo Soomaaliya hordhigaysa xujooyin cusub si ay uga dhabayso damaceeda badeed (dhegayso|daawo)

Xafiiska Madaxweynaha dawlada fedderalka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka dhacay kulan Baarlamanka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Kulankan oo ahaa mid lagu soo dhawayneyey Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa waxaa ku heheliyey Madaxweynaha labada gudoon ee Baarlamanka Soomaaliya.

Wafdigan ayaa magaalada Muqdisho u tagay shir looga hadlayo Arimaha Baarlamanka Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada dalka kaas oo looga hadlayo Hidise Sharciyeedyada dalka iyo Shaqada Baarlamanadda dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dawlada federalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa magaalada Muqdisho iyo Xafiiskiisa kusoo dhaweyey Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland iyo Wafdigiisa.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Mudane Axmad Cali Xaashi ayaa ugu mahad ciliyay madaxweyne Farmaajo casuumaada uu ugu fidiyay xafiiskiisa.

Gudoomiyaasha Aqalka Sare iyo Aqalka hoose kuwaasi oo dhamaantood sheegay in ay muhiim tahay in ay wada Xaajoodaan islamarkaasina ay kulmaan Baarlamaanada Maamul Goboleedyada iyo kuwa Dowlada Dhexe ee Soomaaliya.

Warar hoose oo warsidaha Putlandvision.com uu ka haleyo Shirkaas u furmayo Baarlamaanadda ayaa wuxuu sheegayaa inay Shirkaasi si gooni ah loogu qabtay Baarlaanadda maamul goboleedyada dalka warbixina ay ka jeedin doonaan Baarlamanka Puntland iyo Wafdiga uu hogaaminayo iyadoo laga dhagaysanayo habka loo maro Hindise Sharciyeedyada dawlada,Waxqabadka Sida loo kala xusho Baahiyaha deegaanada loona kala hormariyo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: