Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Boosaaso iyo soo dhaweyn loo samaynayo (dhegayso)

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Boosaaso iyo soo dhaweyn loo samaynayo (dhegayso)

Madaxwaynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Safar kusoo ah Magaalada Boosaaso ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Carmo ee Gobolka Bari.

Soo dhawaynta Madaxwaynaha waxaa qayb ka ah qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Masuuliyiin katirsan Dowladda Puntland.

Waxa uu tagay Xarunta tababarka Ciidanka ee Kulliyadda Carmo waxa uuna la kulmay Ciidamada Boliska ee ku xaraysan Kulliyadaas.

Sidoo kale waxa uu dhagax dhigay Wadooyin dhawaan dhismaheeda uu bilaabanayo.

Hadaba Xasan Heykal oo qayb ka ah Wariyaasha Daljir ee soo tabinaya Soo dhawaynta Madaxwaynaha ayaa gowr dhaw taleefanka ugu waramay Cumar Lakiman oo ku sugan Studiyaha Daljir ee Boosaaso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com