Madaxweyne Farmaajo oo ku laabtay Xarunta Wasaaradda Gaashandhiga

Madaxweyne Farmaajo oo ku laabtay Xarunta Wasaaradda Gaashandhiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigga ee uu ku shaqeynayay muddadii ugu dambeeysay.

Farmaajo oo horay loo shaaciyey in uu shaqadiisa u wareejiyey Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa todobaadyadii ugu danbeeyey dib ugu soo laabtay Xarunta Madaxtooyada, si uu u soo afjaro khilaafkii ka taagnaa Golaha Shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale maalinii shalay ahayd ka soo laabtay Dalka Boqortooyada oo uu kaga qeyb galayey shirka Jaamacadda Carabta, tallaabada uu isla maanta ugu laabtay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa muujineysa culeyska uu saarayo howlaha dib u habeynta Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa horey muddo bil ah ku shaqeynayay Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoona lagu guuleystay inla sii amba-qaado qorsheyaasha isku dhafka ciidanka iyo dib u diiwaan gelintooda.

Ujeedada ayaa ah sidii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) uu u dhiiro gelin lahaa dardar gelinta howlgalada Millitari ee ka dhanka ah xoogaga ururka Al-shabaab.

Dowladda Federaalka ayaa wada qorshe Dagaal oo ku jeeda ururka Al-shabaab, kaasi oo looga saarayo degaanada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin dalka, iyada oo la kaashanayo Ciidanka AMISOM iyo kuwa Mareykanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com