Madaxweyne Farmaajo oo Ka Qeyb Galay Shir Madaxeedkii Jaamacadda Carabta

Madaxweyne Farmaajo oo Ka Qeyb Galay Shir Madaxeedkii Jaamacadda Carabta

Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa ka qeyb galay shir deg deg ah oo ay yeesheen dalalka Jaamacadda Carabta.

Kulanka oo ka qabsoomay Magaalada Barakeysan ee Makkah ayaa waxaa Boqorka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis uu isugu yeeray dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta.

Kulankaas ayaa waxaa looga hadlay dhibaatooyinka xilligaan ka jira dadlka Carbeed qaarkood iyo sida looga gudbi karo,waxaaana ay ku balameen in la kordhiyo kulamada noocaan oo kale ah.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxa Golaha Milatariga Kumeel Gaarka ah ee Suudaan Sarreeye Guud Cabdulfataax al-Burhan iyo Ra’iisul Wasaaraha Qadar Sheekh Cabdullaahi Bin Naasir Bin Khaliifa Al Thani.

Kulamadan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo wax wada qabsi ee ka dhexeeya dowlada Somalia iyo dowladahaas, iyadoo kulamadaas ay ku dhamaadeen jawi is afgarad leh sida ay sheegeen masuuliyiinta warfaafinta u qaabilsan Madaxtooyada Somalia ee la socda wafdiga Madaxweynaha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Mustafa bilaal 5 years ago

    Wax faa,iido ah oo inoogu jirta carab dabarooridooda ma jiraan waxa qumanayd in LA diro sarkaal yar oo ka qayb gala shirka been abuurka ah we lagu qabtay dhulka barakaysan

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com