Site icon Radio Daljir

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayay 1-da Luulyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey 60-guurada ka soo wareegtay Xornimada Gobolada Koonfureed iyo Midnimada dalka ee 1-da Luulyo.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka kaddib munaasad Calan-saar ah oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta jeedin doona, khudbadda munaasabadda 1-da Luuliyo haddii Alle idmo.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha golaha Shacabka,Ra,iisul wasaare ku xigeenka dalka,Guddoomiyaha Maxkamadda sare,Guddoomiyaha gobolka Banaadir, qeybaha bulshada iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda.’

Diwaanka wararka
Radio Daljir

Back to Home page