Madaxweyne Farmaajo oo Ka Hadlay Waxqabadkiisii Boqolka Maalmood

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka hadlay hanaanka ay u dhaqan galinayaan qodobada ku qoran Dastuurka dalka, isagoona sheegay inay ku adkaan doonto in shaqsi ahaan tiisa uu ka saro maro waxa ku qoran sharciga dalka waxa uuna cadeeyay inuu noqon doono qofka ugu horeeya ee uu qaban doono sharciga.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu sheegay in qorshaha 4 sano ee soo socta uu yahay in laga danbeeyo qodobada sharciga ah ee ku qeexan Dastuurka waxa uuna wacad ku maray inuu tixgalin gaara siin doono sharciga.

Madaxweynaha ayaa mar wax laga weydiiyay 100ka maalin ee u dhamaaday iyo sharciyada dalka waxa uu sheegay in Boqolka maalin ee uu soo qaatay uu ilaa xad dhaqan galiyay waxyaabo horay looga talaabi jira.

Dhanka kalena, madaxweynaha ayaa sheegay inuu jideeyay dhowr waxyaabood oo caado ahaan lala baalmari jiray sharciga, waxa uuna ballanqaaday in inta harsana uu sii xoojin doono sharciyada dalka iyo ku dhaqankooda.

“Boqolka maalin ee ii xirmay waxaan ka dhabeeyay hirgalinta sharciyo aan horay loo dhaqan galin, wax waliba waxaan ku saleeyay cadaalada iyo sharciga, inta harsan waxa ay dhameystirmi doonaan boqolka xiga”

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • cawale 7 years ago

    Masha allah
    Madaxwayne maxamed cabdulahi farmaajo
    Alle ha xafido khayr badan iyo wax qabad badan
    Baanu ka rajaynaynaa
    Ilahy umada somaliyed iyo gud ahanba dalkena nabad iyo barwaaqo ha inooga dhigo

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com