Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Ciraaq

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Ciraaq

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Dalka Ciraaq Barham Saalah.

Mudane, Farmaajo ayaa u rajeeyay inuu Madaxweyne Barham xilkiisa u fududeeyo, isla markaana Shacab weynaha Dalkaasi uu u noqdo mid ay mahadiyaan.

Madaxweynaha Cusub ee Dalka Ciraaq Barham Saalah, ayaa ah siyaasi caan ka ah Dalkaas, isla markaana ka tirsan Xisbiga Kurdida ee [Patriotic Union of Kurdistan], waxanay xildhibaannada Ciraaq oo ka kooban 329 xubnood, 220 ka mid ah codkooda siiyeen hoggaamiyaha cusub.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com