Madaxweyne Farmaajo oo eeden u jeediyay Kenya

Madaxweyne Farmaajo oo eeden u jeediyay Kenya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa si adag uga hadlay faragelinta dowladda Kenya ay ku heyso arrimaha gudaha ee Somalia isaga oo dhinaca kalana soo hadal qaaday ciidamada dowladdu geysay deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Madaxweynaha ayaa sheegay Ciidamada la geeyey Gedo in Dowladda Soomaaliya ay masuul ka tahay looguna talagalay  ilaalinta Xaduudaheeda,waxaana uu shaca ka qaaday in uusan aqbali doonin faragelin lagu sameeyo Soomaaliya.

 

“Kenya maxaa ka galay Jubbaland, Kenya Jubbaland waxba kalama dhaxeyn karaan fara gelinna kuma sameyn karto, waxaa naga dhexeeya arrin badda ah, meel kasta u mareysaa sidii ay saameyn ugu yeelan laheyd Jubbaland, anagana ma dooneyno Jubbaland in ay u ekaato wax naloo is ticmaalo, cidii ka shaqeyneysana oo fududeyneysa waxaan u aqoonsanaynaa inuu yahay qof aan danta Soomaaliya ka shaqeyneyn” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com