Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa dib ugu soo laabtay dalka kaddib safar labo maalmood ah oo ay ku joogeen dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy, waxa ayna ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo guud ahaan xaaladda iskaashiga gobolka ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad ka jeediyey furitaanka Beerta Midnimada oo ah mashruuc dalxiis oo laga hirgeliyey dalka Itoobiya,kaasi uu sheegay in fududeynta isu-socodka iyo duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay saameyn wanaagsan ku yeesheen iskaashiga ganacsi ee labada dal.

Wafdiga Madaxweynaha la socday ayaa intii ay ku sugnaayee Addis Ababa kulamo la yeeshay dhiggooda dalka Itoobiya, si loo xoojiyo wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Arrimaha Dibadda Danjire Mahad Ciise Cawa, Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com