MADAXWEYNE FARMAAJO OO DAAH-FURAY MUNAASABADDA HIRGELINTA GUDDIGA 4-AAD EE AFSOOMAALIGA

MADAXWEYNE FARMAAJO OO DAAH-FURAY MUNAASABADDA HIRGELINTA GUDDIGA 4-AAD EE AFSOOMAALIGA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabadda lagu howl-gelinayo Guddiga 4-aad ee Afsoomaaliga ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay turxaan bixinta, ilaalinta iyo horumarinta afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, maadaama ay udub dhexaad u yihiin midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo dul istaagay halgankii dheeraa ee loo soo maray qaabeynta iyo qoridda Afsoomaaliga ayaa ka warbixiyey tallaabooyin hortebinta leh ee ay dowladdu u qaadday dhanka horumarinta afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

“Ummadda Soomaaliyeed waxa ay ku suntan yihiin dad ku adag afka iyo dhaqankooda, halka dalal badan oo dunnidii la gumeystay ka mid ah laga beddeley afkoodii iyo dhaqankoodii. Afku waa dhaxalka ugu qiimaha badan ee ay jiilal isu gudbiyaan, waana ammaano ay tahay inaan ilaalinno oo horumarinno.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay in hirgelinta farta Soomaaliga lagu bixiyey dadaal, maskax iyo maal badan, waxa uuna kula dardaarmay Guddiga Afsoomaaliga in ay sii ambaqaadaan dadaalladaas, hormuudna ugu noqdaan ummadda Soomaaliyeed horumarinta iyo adeegsiga Afsoomaaliga.

“Dowladdu waxay dadaal badan ku bixisay sidii loo horumarin lahaa afka, dhaqanka iyo suugaanta.

Taas oo aannu ka soo bilowney inaannu dib usoo celinno goobihii lagaga shaqayn lahaa hirgelinta iyo horumarintooda, oo Tiyaatarka aynu maanta joogno ka mid yahay, Madxafkii Qaranka oo aanu isna dib u dhisnay”

Munaasabadda oo ku qabsoomtay Tiyaatarka Qaranka ayaa waxaa ka qeyb galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee XFS, Xildhibaanno, Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed, Guddoomiyaha Akademiyad Goboleedka Afka-Soomaaliga Mudane Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Mudane Cabdqaadir Nuur Xuseen, xubnaha Guddiga Afraad ee Afsoomaaliga, Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf iyo marti sharaf kale.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com