Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Dhawacyadii Qarixii Zoobe (Sawiro)

Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Dhawacyadii Qarixii Zoobe (Sawiro)

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow booqday qaar ka mid ah Isbitaalada la geeyay dadkii ku dhaawacmay qaraxii shalay lagu hoobtay ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa mid mid u gacan qaaday dadka ay dhaawacyada ka soo gaareen qaraxii shalay, isagoo u rajjeeyay inuu Alle uu bogsiiyo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhiig u shubay dadkii dhibanayaasha ahaa ee ku waxyeeloobay qaraxii waxashnimada ahaa ee ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah iyo calanka oo hoos loo dhigay, sidoo kale waxaa uu dadka ugu baaqay inay u soo gurmadaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxa.

Dhimashada ayaa la heyn tiro sax ah, waxaana dadka qaar ay sheegayaan inay ka badan tahay boqol ruux, marka loo eego goobta qaraxa uu ka dhacay oo aheyd meel aad u mashquul ah.

Hoos kadaawo sawiro

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com