Madaxweyne Farmaajo oo Booqan doona dalaalka Dariska ah

Madaxweyne Farmaajo oo Booqan doona dalaalka Dariska ah

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu booqasho ku tago dalalka deriska ah si uu ugala hadlo xaaladda Soomaaliya ay ku jirto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay ka baaqday kulan uu isaga ka codsaday golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya kaas oo la filayay in uu kaga dhawaaqo xaalad dagaal oo uu dalku gelayo kaddib dhacdadii 14kii Bishan ka dhacay magaalada Muqdisho ee ay ku dhinteen dadka ku dhow 400.
Madaxweynaha waxaa uu booqan doonaan Dalalka Uganda,Itoobiya iyo Jabuuti,waxaana uu madaxda dalalkaas kala hadlayaa qorshaha dowladda ee ka dhanka ah Al-shabaab iyo dagaalka uu sheegay in dowladdiisu ay la geleyso Al-shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com