Madaxweyne Farmaajo oo balanqaad u samayaay Dhalinyarada kaso goosta Alshbaab

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo oo balanqaad u samayaay Dhalinyarada kaso goosta Alshbaab

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar kale baaq udiray dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ee diidan Dowladda iyo Joogitaanka Ciidanka Amisom ee Soomaaliya.

Waxgaradka Badhan oo ku baaqay in la iska difaaco Somaliland (Daawo)
Muqdisho: RW Rooble oo kulamo kala duwan ka wada Caasimadda
Shir looga hadlayo Masiirka Jubbaland oo Muqdisho ka dhacay (Daawo)

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar kale baaq udiray dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ee diidan Dowladda iyo Joogitaanka Ciidanka Amisom ee Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in Ciidamada Xooga dalka ay udiyaar garoobeen sidii gacanta Dowladda loogu soo celin lahaa deegaanada Maqan, Shacabka ayuu dhankooda sheegay iney taageero la garab taaganyihiin Ciidamada dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Waxa uu Farmaajo balan qaaday in la siinayo daganaansho kuwa isa soo dhiibaya, Sidoo kalena ay heli doonaan Daryeel wanaagsan hadey iska daayaan Fikrada ku dhisan Isdilka sida uu Yiri.Waxa uu usheegay in la marin habaabiyay hadana ay ubanaantahay si ay uhelaan Nolo Karaamo iyo Xushmo iney Hubka dhigaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkan ka sheegay Munaasabadii lagu furayay Xarunta lagala soconayo Maamulka hawada Somaliya oo shalay xariga uu ka jaray, waxaana laga soo wareejiyay Magaalada nairobi oo ay gacanta ku heysay ay’ada ICAO.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: