Madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiyaha Barlamaanka Hiirshabeele oo kulmay

Madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiyaha Barlamaanka Hiirshabeele oo kulmay

Xalay waxaa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaliya kulan gaar ah ku wada yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan waxyaabihii looga hadlay, iyada oo ilaa iyo hadda Madaxtooyada Soomaaliya ay kasoo saarin wax War ah.

Hayeeshee Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in la iskula soo qaaday sidii loo xalin lahaa xiisada ka taagan Baladweyne ee ka dhalatay xilka qaadiistii Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed oo todobaadyadii la soo dhaafay ku maqnaa dalka Sacuudi Carabiya ayaa dib ugu laaban doona Magalada Jowhar, iyada oo uu jiro khilaaf ka dhashay fasax uu geliyay Xildhibaanada Hirshabeelle, kadib markii uu joojiyay kulamadii Baarlamanka Hir-Shabeelle.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Mustafa noor 5 years ago

    Wax aad loogu qoslo ayaa ka soda soomaaliya
    Qolo walbi waxay rabtaa xukun madaxweyne iyo barlamaan
    Iyo waziiro
    Iyo iyo iyo

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com