Madaxweyne Farmaajo iyo Gaas oo si wadajir ah Warbaahinta ula hadlay (dhegayso)

Madaxweyne Farmaajo iyo Gaas oo si wadajir ah Warbaahinta ula hadlay (dhegayso)

Waxaa maanta Caasimadda Puntland Puntland ee Garowe si balaaran loogu soo dhaweyaay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo.

Madaxweynaha Puntland Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo Warbaahinta kula hadlay Aqalka Madaxtooyada Garowe ayaa u mahadceliyaay shacabka Caasimadda Puntland.

Madaxweyne Gaas oo ugu horeyn hadlayaay ayaa sheegay in imaanshaha Madaxweynaha Dowladda federaalka somaaliya ay tahay booqasho rasmi ah oo uu ku yimid Puntland ,taas oo ku ogaanayo xaaladda kajirta Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo hadalka qaatay ayaa ka mahadceliyaay shacabka Puntland sida wanaagsan ee ugu so dhaweyeen Caasimadda Puntland,isago sheegay in uu booqan doono degaano dhowr ah oo Puntland katirsan.

Farmaajo ayaa sheegay in dhowr jeer oo hore uu ka baaqday Booqasho uu Puntland ku imaan lahaa ,isago sheegay in nolashiisa markii ugu horeysay uu yimaado Puntland ay tahay.

Hoos kadhegayso Shir jaraa’id

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com