Madaxweyne Erdogan oo digniin udiray wadamada Yurub

Madaxweyne Erdogan oo digniin udiray wadamada Yurub

Dowladda Turkiga ayaa digniin udirtay wadamada Yurub, wuxuuna Turkiga sheegay in haddii dalabkii ay horay ugu jeediyeen la fulin waayo ay qaadi doonto tallaabo kale oo cawaaqib xumo ku noqon katra reer galbeedka.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku hanjabay in waddankiisa uu dib u furi doono marinka ay qaxootiga Suuriga ugu gudbi jireen qaaradda Yurub.

Turkiga waxa uu ka dalbaday wadamada Yurub in laga taageero sidii ay goob nabdoon u heli lahaayeen ay qaxootiga Suuriya ee ku soo qul qulaya wadamadamadaasi, lagana caawiyo dowladda Turkiga dhanka istiraatiijiyadda.

“Waa in sidaas la sameeyo, haddii kale waxaan ku khasbanaan doonnaa inaan albaabbada u furno qaxootiga qulqulaya”, ayuu yiri Erdogan.

3.4 malyan oo qaxooti reer Suuriya ah ayuu haatan Turkigu waxa uu siyyay magaan galyo kuwaas oo ka soo barakacay dagaallada sokeeye ee ka socda dalkooda.

Xasan Heykal, Daljir Bosaaso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com