Madaxweyne Emmanuel Macron oo dalkiisa ku soo rogay bandow deg deg ah

Madaxweyne Emmanuel Macron oo dalkiisa ku soo rogay bandow deg deg ah

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay bandow labaad kaas oo soconaya ilaa iyo ugu yaraan dhammaadka bisha Nofeembar.

Mr Macron wuxuu sheegay in talaabooyinka cusub, laga bilaabo jimcaha, dadka kaliya loo ogolaan doono inay guryahooda uga baxaan sababo shaqo ama caafimaad dartiis uun.

Ganacsiyada aan muhiimka ahayn, sida makhaayadaha iyo baararka, way xidhmi doonaan, laakiin iskuulada iyo warshaduhu way sii furnaan doonaan.

Dhimashada maalinlaha ah ee faransiiska waxay mareysaa heerkii ugu sarreeyey tan iyo bishii Abriil. Talaadadii, 33,000 kiis oo cusub ayaa la xaqiijiyay in laga helay dalkaas.

Mr Macron wuxuu sheegay in wadanku uu qatar u galay in “saamaynta darab ee mowjad labaad oo aan shaki ku jirin inay ka darnaan doonto tii hore”.

Dhanka kale, Jarmalka wuxuu soo rogi doonaa bandaw deg deg ah oo aan sidaa u sii cuslayn laakiin ay ka mid tahay xidhitaanka makhaayadaha, goobaha jimicsiga iyo tiyaatarada, ayay tidhi haweeneyda hogaamiyaha ka ah dalkaasi Angela Merkel Arbacadii.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com