Madaxweyne Donald Trump oo safar ku tagaya dalka Hindiya

Madaxweyne Donald Trump oo safar ku tagaya dalka Hindiya

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa in uu maanta safar ku tago dalka Hindiya, safarkaasi oo noqonaya kii ugu horeeyey ee uu ku tago dalkaasi.

Mr Trump ayaa kulamo kale duwan la qaadan doona Raysal Wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi, kulamadaasi oo ka dhacaya gobolka Gujarat oo ah gobolka uu ka soo jeedo Narendra Modi,

Madaxweyne Donald Trump ayaa khudbad dheer ka jeedin doona garoonka lagu ciyaaro kirikidka ee ku yaala magaalada Ahmedabad , isla markaana xariga ka jaraya garoon cusub oo lagu ciyaarayo Kirikidka.

Mr Trump ayaa booqasho ku tagaya magaalada Agra, si uu ugu soo tamashleeyo goobaha taariikhi ah sida daarta caanka ah ee Taj Mahal, kadibna waxa uu dib ugu soo laaban doona caasimadda Hindiya ee Delhi si ay heshiis ganacsi u wada gaaraan isaga iyo Mr Modi.

Ammaanka dalka Hindiya ayaa si weyn loo adkeeyey, iyadoo guud ahaan dalkaasi laga dareemayo soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha Mareykanka ee Trump.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com