Site icon Radio Daljir

Madaxweyne Deni: “Waa in loo midoobaa dagaalka Al-shabaab”

Qoraal kooban oo uu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni soo dhigay bartiisa Facbeook ayaa waxaa uu ku cambaareeyay qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho, isaga oo ku baaqay in hal meel looga wada soo jeesto dagaalka Al-Shabaab.

“Waxaan tacsida la wadaagaya qoysaskii iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee ay ka baxeen dhallinyaradii caawa argagixisadu ku xasuuqday iyagoo ku fiidsanaya magaalada Muqdisho.

“Tani waa mid muujinaysa in Argagixisadu ay beegsanayso haldoorka iyo mustaqbalkeenii berito, sidaasi darteed waan cambaareynaya falkaasi waxaana loo baahanyahay in meel looga soo wadajeesto dhagar qabayaasha xasuuqaya ummadeena meelwalba oo ay joogaan.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir.com

Exit mobile version