Madaxweyne Deni oo Madaxtooyada Gaalkacayo ku Qaabilay Madaxweynaha Galmudug (sawirro)

Madaxweyne Deni oo Madaxtooyada Gaalkacayo ku Qaabilay Madaxweynaha Galmudug (sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacayo ku qaabilay wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Kulanka Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Galmudug waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Puntland iyo Galmudug.

Sidoo kale kulanka kadib waxaa qabsoomaya shir laba geesood ah oo ay yeelanayaan Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda ee Puntland iyo Galmudug. Shirka waxaa laga soo saari doonaa war-Murtiyeed ku salaysan waxyaabaha muhiim ka ah ee laga wadahadlayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com