Madaxweyne Deni oo xilkii ka xayuubshay Muxyadin Gacamey, Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah waxaa uu xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland Muxyadiin Axmed Muuse (Muxyadin Gacamey), magacaabayna Taliye Cusub.

Taliye Muxyadin oo Janaraal noqday xilligii xukuumaddii Faroole, darajo ciidan booliisna aan hore u soo marin, ayaa waxaa Taliye Boolis Puntland u magacaabay Madaxweyne hore Cabdiweli Cali Gaas. Taliyaha ayaa intii uu xilka Taliye Boolis hayey waxa ay bulshada Puntland Taliyaha iyo ciidankiisa khaaska si joogto ah uga keeneen cabashooyin isbadajoog ah.

Cabashooyinka iyo eedaha ka dhanka ah Taliyaha waxaa kamid ahaa tacadiyo ay kamid ahaayeen dilkii maxbuus marxuun Axmed Maxamed Abokor oo u dhintay jirdil ciidamada boolisku ugu gaysteen xeebta Bossaso, si gaar ahna loogu eedeeyey ciidanka gaarka ah ee Taliyaha.

Tacadiyada kale ee lagu eedeeyey Taliyaha ayaa isugu jiray xarig maxaabiis la xirtay maxkamad la’aan iyo boob hanti shacab. Maxaabiista dhallinyarada oo badankooda laga qabtay magaalada Bossaso ayaan marna maxkamad la horkeenin, danbina lagu soo oogin, waxaana bilaa xukun maxkamad loo dhaadhicin jirey gaalshiraha weyn ee Bossaso.

Taliyaha ayaa cabashooyinka ka dhanka oo sii badanaya waxaa ku soo biiray xil-gudasho la’aan iyo khibrad yari hooggaamineed, taas oo ugu danbeyn sababtay in Madaxweyne Deni uu xilkii Booliska Puntland ka xayuubsho, magacaabana Taliye cusub.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 39 ee 27da April, 2020, ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Madaxweynaha Puntland ayaa isla Maanta waxaa xilalkii uu ka qaaday Taliye kuxigeenada 1aad iyo 3aad Ciidanka Booliska Puntland.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Warar la xiriira Taliye Muxyadin Gacamey

Ciidamada Gaarka ah ee Janaraal Muxyadin oo lagu eedeeyey dil maxbuus iyo dhac hanti (dhegayso)


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com