Site icon Radio Daljir

Madaxweyne Deni oo magacaabay Agaasimaha Ciidamada PSF ee Puntland

Madaxwaynaha Puntland ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Maxamed Amiin Cabdulaahi inuu noqonayo agaasimaha hay’adda PSF, iyadoo xilkan uu hayay Gen. Maxamuud Cabdulaahi .
Hay’adda PSF ayaa Puntlanad ka qabatay shaqooyinka amniga gaar ahaana la dagaalanka argagaxisada Al-Shabaab iyo Daacish, sidoo kallena waxaa lagu tilmaamaa inay yihiin ciidan saaxiib dhow la’ ah bulshada oo ka qaybqaata arrimaha samafalka iyo dhiraynta wadanka, waxaana horay usoo maamulayay agaasimihii hore Gen. Asad Cabdulaahi Cismaan oo ka tagay shaqadan, kadib markii uu isku sharaxay xilka madaxwayne ee Puntland oo ay wareegii ugu dambeeyey ku loolameen madaxwaynaha haatan ee Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.

Back to Home page